Mucaaradka oo ka hadlay wada-hadallo la sheegay inay la fureen FARMAAJO

Bulsha:- Midowga Musharaxiinta Mucaaradka ayaa markii ugu horeysay ka hadlay wararka soo baxay ee sheegaya inay wada-hadal la fureen madaxweyaha waqtiga ka dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Siyaasi Cabdiraxmaa Cabdishakuur ayaa been abuur ku tilmaamay in Midowga Musharaxiinta ay wada-hadallo kala fureen Farmaajo muddo kororsi iyo dhismaha dowlad wadaag ah.

“Waa dacaayad, warkaas wax ka jiro malaham, ciddii wax ka doontaa madaxwayne xilkiisu dhamaadey waa iyadda oo booli doonatay,” ayuu yiri xilli uu wareysi siiyey Telefishinka Universal.

Warsame oo rumeysan in shacabka Muqdisho ay ugu dul qaateen maamulka Farmaajo inuu sii joogo isagoo muddo xileedkiisu dhamaadey ayaa hoosta ka xariiqay in aysan marnaba aqbali doonin doorasho boob ah.

“Dulqaadkeena iyo dulqaadka dadka caasimada waxaa kamid ah in madaxweyne aan sharciyad haysan uu wali canshuurtii qaadanayo, ciidankii xukumaayo oo uu iska fadhiyo; waana ayaan darro,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdshakuur.

Hadalka kasoo baxay Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa kusoo aadaya xilli Maalmihii lasoo dhaafay ay soo baxayeen  warar sheegaya in Cumar Cabdirashiid uu wado qorsho lagu heshiisiinayo madaxweyne Farmaajo iyo mucaaradka

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sidoo kale beeniyey in Midowga Musharaxiinta uu haatan ku kala qeybsamay qadiyadda la xiriirta boobka doorashooyinka ayaa soo bandhigay laba qodob oo la dhaqan-geliyo aysan sii jiri doonin musharaxiinta.


Labadda qodob ayuu ku kala sheegay; in doorashada waqtigeeda ku dhacdo iyo in doorashadda noqoto mid daahfuran oo la tartami karo.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment