Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida oo la horkeenay Afar Askari

Bulsha:- Maxkamada Darajada 1aad ee Ciidamada Qalabka Sida Qeybta 60aad ayaa Maanta waxaa u fadhiisatey dhageysiga dacwad lagu soo oogey Ciidamo ka tirsan xoogga dalka gaar ahaan Qeybta 60aad.

Afartan Askari ayaa lagu kala Magacaabaa Dable Xoogga Cali Aadan Isxaaq ( Adan Ali Boon) Dable Cabdullahi Maxamed Maxamuud, Dable Sheegow Macalin Yare Maxamed iyo Dable xoogga Maxamed Nur Adan Diiriye .

Askartan Eedeysaniyaasha Dhageysiga Dacwadooda u fadhiisatey Maxkamada ayaa lagu Eedeyey Amar Diido , Kasoo tagid Goobta Shaqada , ku dhex Faafinta Ciidanka Dhexdooda Qabyaalada iyo Anshax Xumo.


Guddoomiyaha Maxkamadda Maxkamada Darajada 1aad ee Ciidamada Qalabka Sida Qeybta 60aad ayaa sheegay in eedeysanayaashaan dacwadooda dhawaan go’aan laga soo saari doono.






Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment