Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo Maanta ku wajahan Kismaayo

Bulsha:- Maanta ayaa waxaa la filayaa in Madaxweynaha Koofur Galbeed C/casiis Xasan Maxamed laftagareen uu safarkii ugu horreeyoayay ku  tago Magaalada Kismaayo ee Xarunta kumeel gaarka ah ee Maamulka Jubbaland.

Ujeedka safarka Madaxweynaha Koonfur Galbeed ee Magaalada Kismaayo ayaa waxaa lagu sheegay arrimo la xiriira doorashooyinka socda, iyada oo dhawaan Maamulka Jubbaland uu bilaabayo doorashada Golaha Shacabka.

Madaxweynayaasha Jubbaland iyo Koonfur Galbeed ayaa waxaa la filayaa inay yeeshaan kulan gaar ah, kaas oo ay uga hadlayaan arrimaha siyaasadda iyo doorashooyinka, iyadoo la sheegayo in labada dhinac is dhaafsanayaan dano kala duwan oo isaga xiran, gaar ahaan kuraas Xildhibaan oo rag aad ugu dhow labada Madaxweyne ay u rabaan, kuwaasoo kuraastooda taal Kismaayo iyo Baydhabo.


Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed laftagareen ayaa sidoo kale waxaa uu kulamo kala duwan la qaadan doonaa qaar kamid ah Golaha Wasiirada Jubbaland.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment