Madaxtooyada oo faah faahisay kulanka Farmaajo & Madaxweynaha Turkiga

Bulsha:- Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo safar shaqo oo uu kaga qayb galayo Shirweynaha Iskaashiga Turkiga iyo Afrika ku joogo magaalada Istanbuul, ayaa la kulmay dhiggiisa Mudane Recep Dayyip Erdogan.

Labada Madaxweyne ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka saaxiibtinnimo iyo iskaashiga qodotada dheer ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga, sidoo kale waxaa kulanka diirradda lagu saaray dardar gelinta qorsheyaashii hore ee iskaashiga dhinacyada amniga, waxbarashada, caafimaadka, dhaqaalaha, maalgashiga iyo horumarinta, iyo bilaabidda kuwo hor leh oo qayb ka ah qorshaha cusub ee iskaashiga ee dalalka Afrika iyo Turkiga.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa la wadaagay dhiggiisa Dalka Turkiga guulaha ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ka gaartey xasilinta dalka, dib-u-dhiska hay’adaha amniga, kobcinta dhaqaalaha, hannaanka deyn cafinta, la dagaallanka Argaggixisada iyo horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha.

Labada Madaxweyne ayaa si wadajir ah isu la xoojiyey muhiimadda ay labada Dal u leedahay horumarinta iskaashigooda ku dhisan ka wada shaqaynta danaha Labada Qaran iyo sida ay lagama maarmaanka u tahay kor u qaadidda xiriirka ka dhexeeya dalalka Afrika iyo Turkiga, waxaana Madaxweynaha Turkiga Mudane Reccep Dayyip Erdogan uu bogaadiyey guulaha la taaban karo ee ay shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ku tallaabsadeen isaga oo ku dhiirri galiyey ganacsatadda Soomaaliyeed in ay wax soo saarka Dalkooda u suuq geeyaan Dalka Turkiga.

Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa uga mahad celiyey Madaxweynaha iyo Shacabka Jamhuuriyadda Turkiga garab istaagga walaalnimo ee ay u muujiyeen shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed, waxaana uu tilmaamay in dowladda Turkigu ay Soomaaliya u tahay saaxiib dhow oo Istaraatiiji ah, iyada oo labada Madaxweyne ay Salaaddii Jimcaha wada oogeen kuna ducaysteen.

Kulankan waxaa madaxweynaha ku wehlinayay Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah Mudane Cabdi Siciid Muuse Cali, Agaasimaha Guud ee Madaxtooyadda Qaranka Mudane Maxamed Cabdullaahi Ciise, Danjiraheenna noo fadhiya Dalka Turkiga Mudane Jaamac Cabdullaahi Caydiid iyo Agaasime Cabdisalaan Saleebaan Koodaar.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment