Hogaamiyaha Israa’iil oo booqashadiisii ugu horreysay ku tagaya Imaaraadka Carabta

Bulsha:- Ra’isul Wasaaraha Israa’iil Naftali Bennett, ayaa maanta oo Axad ah u safri doona dalka Isutagga Imaaraadka Carabta, waxana uu la kulmi doonaa hoggaamiyaha dowladda Khaliijka, taas oo noqonaysa booqasho heerkeedii ugu sarraysay ee hoggaamiye Isra'iili ah.


Safarkan ayaa ku soo beegmaya xilli xiisadda gobolka ay sare u kacday, iyadoo quwadaha adduunkuna ay isku dayayaan inay cusbooneysiiyaan heshiiska nukliyeerka ee Iran.

Israa’iil ayaa dooneysa inay difaacdo wadajir ah la sameysato dalalka Khaliijka Carabta, kuwaas oo ay wadaagaan walaaca ay ka qabaan dhaqdhaqaaqyada Iiraan.

Si kastaba ha ahaatee, Imaaraadka ayaa dhawaan xiriir la sameeyay dalka ay dariska yihiin ee Iran, isaga oo u diray sarkaal sare Isniintii lasoo dhaafay.

"Waxaan maanta safar ugu bixi doonaa dalka Isutagga Imaaraadka Carabta, booqashadii ugu horreysay ee uu abid ku tago Ra'iisul Wasaaraha Israa'iil," ayuu Bennett u sheegay golihiisa Wasiiradda Axadda maanta ah,sida ay qortay wakaaladda wararka ee Reuters.

Sida uu sheegay xafiiska Ra'isul Wasaare Bennett, wuxuu la kulmi doonaa dhaxal sugaha Abu Dhabi, Sheikh Mohammed bin Zayed al-Nahyan Isniinta berri ah.


Ma jiro war rasmi ah oo ilaa hadda ka soo baxay Imaaraadka, kaas oo xaqiijinaya socdaalka Ra'isul Wasaaraha Isreal.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment