Guddiyada doorashada oo laba u kala jabay iyo xubno ka hor-yimid warqaddii lagu joojiyey doorashada

Bulsha:- Qaar ka mid ah guddiyada heer maamul Goboleed ee doorashooyinka ayaa beeniyey inay qeyb ka yihiin warqadda kasoo baxday guddiga doorashada heer federaal ee lagu sheegay inay joojiyeen doorashadii ka socotay dalka.

Guddiyada heer federaal ee Jubaland, Somaliland iyo Banaadiriga ayaa sheegay in lagu been abuurtay, islamarkaana aysan waxba ka ogeyn warqadda lagu saxiixay magacyadooda.

Warqadda ayaa la sheegay inay qoreen xubno ka mid ah guddiga doorashooyinka Heer Federaal oo uu ka mid ah yahay guddoomiye Maxamed Xasan Cirro oo taageero ka heysto Villa Somalia.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, warqadda ayaa waxaa lagu qoray xafiiska guddiga doorashooyinka heer federaal ee magaalada Muqdisho, waxaana qorshahaan ka dambeysay Villa Somalia oo aan ku qanacsaneydn go’aankii uu Rooble ku eryey qaar ka mid ah guddiga xalinta khilaafaadka.

“Guddiyadu waxay ogaysiinayaan gollaha wadatashiga qaran, musharaxiinta kuraasta iyo dadka Soomaaliyeed in ay laga bilaabo maanta hakiyeen doorashadii, tan iyo inta laga saxayo arrinta guddiga xalinta khilaafaadka dhismahiisa, guddigaan oo la’aantiisa aysan suuro gal ahayn in doorashadu socoto,” ayaa lagu yiri warqadda khilaafka dhalisay.

Guddiga doorashooyinka heer federaal weli kama hadlin warqadda kasoo baxday xafiiskooda, waxaana warqadda lagu taageeray xubnihii uu xilka ka qaaday Ra”isulwasaare Rooble ee kamid ahaa guddiga xalinta khilaafaadka doorashooyinka.

Warqadda ayaa lagu sheegay in lagu xadgudbay xasaanadda xubno kamid ah guddiga xalinta khilaafaadka doorashooyinka sidaas darteedna aysan suuragal aheyn inay sii socoto doorashada.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment