Eric Zemmour oo ugu baaqay Muslimiinta kunool Faransa in ay ka tanaasulaan ku dhaqanka diinta

Bulsha:- Hoggaamiyaha xisbiga midigta fog ee Faransiisa ahna musharax madaxweyne Eric Zemmour, ayaa ka dhawaajiyay hadalo u muuqda islaam naceyb sidoo kale uu ugu goodinayo muslimiinta kunool dalka Faransiiska.

Siyaasigan cunsuriga ah ayaa sheegay in muslimiinta kunool Faransiiska looga baahan yahay in ay dhax galaan bulshooyinka kala duwan ee kunool dalkaasi hadii ay doonayaan in dalkaasi kusii noolaadaan.

Waxa uu sidoo kale siyaasigan u sharaxan xilka Madaxweynaha dalka Faransiiska sheegay ay in Muslimiinta kunool Faransiisku looga baahanyahay inay ka tanaasulaan ku dhaqanka diinta Islaamka.



Ninkan ayaana horey sidoo kale u jeediyay hadalo islaam naceyb xambaarsanaa taa oo keentay in lacago lagu ganaaxo, waxa uuna Siyaasigan caan ku yahay naceybka islaamka iyo dadka soo galootiga ah.

Hadaladan kasoo yeeray musharaxan u taagan xilka Madaxweynaha Faransiiska ayaa si weyn waxaa uga carooday muslimiinta kunool dalkaasi oo sheegay in hadalada ninkan yihiin kuwa aan la aqbali karin.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment