Digniin:- Wasiirka Amniga Taliyaha Ciidanka Badda oo la Amray in uu dalka ka bixi karin

Bulsha:- Wasiirka Wasaaradda Amniga Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa qoraal uu u diray Agaasimaha Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya & Taliyaha Booliska Garoonka Aadan-Cadde  ku amray  in aanu safri karin Taliyaha Ciidanka Badda Soomaaliya Cabdixamiid Maxamed Dirir

Sida qoraalka lagu sheegay Cabdixamiid ayaa qorsheynaya inuu dalka uga fakado si degdeg ah ayada oo loo heysto eedeymo iyo xadgudubyo waa weyn oo uu ku kacay sida ku xadgudubka Madaxda qaranka.

“Hadaba si loola xisaabtamo sarlkaakaas fursadna loo siiyo muwaadiniintaas xaqu ka maqan yahay in ay usoo gudbiyaan cabashadooda hay’adaha garsoorka sarkaalkaasi kama safri karo dalka ayaa lagu yiri” Warqadda kasoo baxday Wasiirka Amniga.


Taliyaha Ciidanka Badda Soomaaliya Cabdixamiid Maxamed Dirir ayaa dhawaan Warbaahinta kasoo muuqday, isaga oo sheegayay in Ra’iisul Wasaare Rooble uu boobayo dhul ay leeyihiin Ciidanka Badda.



 











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment