DF Soomaaliya oo soo bandhigtay ciidamo loo soo tababaray

Bulsha:- Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta oo Sabti ah magaalada Muqdisho ku soo dhoweysay ciidamo ka tirsan kuwa sida gaarka ah u tababaran ee Gorgor, kuwaas oo tababar casri ah ku soo qaaday gudaha dalka Turkiga.

Ciidamadan ayaa waxaa saaka garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ku soo dhoweeyey taliyaha ciidamada dhulka ee xoogga dalka Jeneraal Maxamed Tahliil Biixi, wuxuuna u jeediyey khudbad dar-daaran ah oo ku aadan howlaha shaqo ee ay qaban doonaan.

Biixi waxa uu shaaca ka qaaday in ciidamada oo qeyb ka ah ururka 9-aad ee kumaandooska Gorgor inay ku biiri doonaan howl-gallada haatan ka socda dalka.

Taliyaha ciidanka dhulka ayaa xusay inay ku kalsoon-yihiin tababarka lasoo siiyey ciidamadan, wuxuuna tilmaamay in looga baahan yahay inay u shaqeeyaan dadkooda.

Sidoo kale wuxuu uga mahadceliyey dowladda Turkiga oo soo tababartay ciidamada, sida ay marweliba u garab taagan tahay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Turkiga ayaa sanadihii u dambeeyey xooga saaray dib u dhiska ciidamada Xoogga dalka, waxaana tababaro kala duwan uu ku siiyaa Soomaaliya iyo xeryo ku yaalla dalkaasi.




Si kastaba, soo dhoweynta loo sameeyey ciidamadan cusub ee loo soo tababaray dowladda Soomaaliya ayaa ku soo aadeysa, xilli haatan dalka uu jiro marxalad adag oo kala guur ah, kana dhalatay daaha doorashooyinka oo ay weli isku hayaan mucaaradka iyo dowladda.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment