Daawo: Soomaaliya iyo Shiinaha oo kala saxiixday heshiis ay Shiinaha ku dhisayaan…

Bulsha:- Dowladda Soomaaliya iyo Shiinaha ayaa kala saxiixday heshiis cusub oo is-afgarad, kaasi oo ku saabsan dayactirka iyo qalabeynta Tiyaatarka qaranka, Radio Muqdisho iyo wakaaladda wararka SONNA.

Heshiiskan ayaa waxaa kala saxiixday Wasiirka warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska xukuumadda Soomaaliya Cismaan Abokor Dubbe iyo danjiraha Shiinaha ee Soomaaliya Fei Shengchoa.

Munaasibadda heshiiska lagu saxiixay oo maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho ayaa waxa uu Wasiirka warfaafinta Soomaaliya ka sheegay in heshiiskan cusub uu bilow u yahay wada-shaqeyn balaaran oo mustaqbalka ah oo dhex-mari doonta Soomaaliya iyo Shiinaha.

Waxa uu intaas kusii daray in waxyaabaha is-afgaradka quseeya ay yihiin dayactirka qaar kamid ah waaxiyaha Wasaaradda uu maamulkeeda gacanta ku hayo sida: Radio Muqdisho, SONNA iyo Tiyaatarka.

“Runtii heshiiskan waa bilow fiican u ah dowladaha Shiinaha iyo Soomaaliya, mashaariicdu ma ahan wax aad u waa weyn waa wax afka qalaad lagu yiraahdo Pilot projects oo ah mashaariic yar-yar oo tijaabo ah oo la xiriira dayactirka Tiyaatarka, Radio Muqdisho iyo arrimo ku saabsan horumarinta SONNA,” ayuu yiri Wasiir Dubbe.

“Waxay mashaariicdan wadada u xaareysa mashaariic waaweyn oo ah in mar labaad Tiyaatarka shaqo weyn laga qabto, waxaa la dhisay 1965-kii waxaana dhisay dowladda Shiinaha ee waqtigaas oo ah xisbiga hadda talada haya.”

Tiyaatarka Qaranka ayaa waxay dowladda federaalka Soomaaliya barnaamijka is-xilqaan dib ugu dayactirtay sanadkii 2019-kii, wuxuuna u baahan yahay horumarin ballaaran si loogu soo hirto.


Dowladda Shiinaha oo xiriir wanaagsan oo soo jireen ah la leh Soomaaliya ayaa waxay gudaha dalka ka fulisay mashaariic waaweyn oo ay kamid yihiin Tuulada ciyaaraha ee Stadium Muqdisho iyo Isbitaalka hooyada iyo dhalaanka ee gobolka Banaadir.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment