DAAWO: Puntland oo afka furatay “Al-Shabaab baa maalgelisa khamrida la keeno Gaalkacyo”

Bulsha:- Guddoomiyaha Gobalka Mudug Cabdiladiif Muuse Nuur (Sanyare), ayaa shir gudoomiyay shirka Amniga Gobalka, kaas oo diirada lagu saaray howlgallada ka dhanka ah kooxaha ka ganacsada maandooriyaha.

Guddoomiye Sanyare oo kulanka kaddib, shir jaraa’id qabtay ayaa si adag uga hadlay kooxaha iibiya khamrida iyo xashiiska, kuwaas oo uu sheegay inay maalgaliso kooxda Al-Shabaab, si ay u khalkhal-geliyaan Amniga magaalada Gaalkacyo.

Waxaa uu sheegay in weeraro adag ku beegsan doonaan cid walba oo ka ganacsata maandooriyaha, ayna ku dabajiraan kooxo xalay ciidammadu la dagaalameen, ayna firxadkoodii galeen xuduudka Itoobiya.

Shacabka gobalka Mudug ayuu ugu baaqay Guddoomiye Sanyare inay garb siiyaan ciidammada ku gudajira xaqiijinta amnigooda, si looga adkaado, ayna u helaan amni iyo hormar buuxa.





Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment