Daawo muuqaalka Soomaliga doonayay inuu gaariga ka dhaco difaaca Arsenal

Bulsha:- Xiddigga kooxda Arsenal Gabriel Magalhaes ayaa dagaal la galay nin isku dayay inuu dhac u geysto gaarigiisa oo yaallay meel gawaarida lagu xareeyo.

Muuqaal ay duubtay kameerada ammaanka ee CCTV oo toddobaadkii hore laga shiday maxkamad ayaa muujineysa nin 23 jir cayaratoy ah oo iska difaacaya burcad kaddib markii gaarigiisa oo ah nooca Mercedes qiimihiisuna yahay £45,000 uu dhigay meesha gawaarida la dhigo ee ka tirsan gurigiisa oo ku yaalla Barnet, waqooyiga London.

Arrintan, oo dhacday bishii August, ayaa sababtay in mid ka mid ah burcaddaas oo lagu magacaabo Cabdirxamaa Muuse oo la rumeysan yahay inuu yahay Soomaali- British ayaa lagu xukumay shan sano oo xabsi ah.

Sida laga soo xigtay wargeyska Daily Mail, booliiska ayaa Muuse, oo 26 jir ah, la xiriiriyay dhacdadaas kaddib markii dhiigga hiddo-sidaha DNA laga qaaday koofiyaddiisa, oo dhulka ku dhacday xilligii la xirayay.

Gabriel iyo saaxiibkiis oo lagu magacaabo Rodrigo Tavares, ayay burcaddan u raaceen gurigiisa ku yaalla London, iyagoo dalbaday gaarigiisa, telefoonkiisa iyo saacaddiisa.

Muuqaalka ayaa muujinaya nin ku wajahan dhanka Gabriel. Cayaar-yahankan u dhashay Brazil ayaa gacmaha kor u taagaya wuxuuna jeebkiisa ka soo bixinayaa saacad.

Si kastaba, ninka weerarka soo qaaday ayaa ku boodaya Gabriel, oo isagana iska difaacay.

Muuse ayay u suurto gashay inuu goobta ka cararao isagoo aan gaariga kaxeysan, waxaase lagu xukumay dhac iyo heysashada hub aan sharci ahayn.

Muuse ayaa damaanad bannaanka ku joogay markii ay arintan dhacaysay isagoo hore dembiyo kala duwan loogu xukumay, waxaana ka mid ahaa daroogada heroin oo uu doonayay inuu ka ganacsado.

Ninka kale ee weerarka soo qaaday oo hortaagnaa albaabka korontada ku shaqeeya ee guriga Gabriel, ayaysan weli booliisku soo qaban.

Xilliga ay arrintu dhacday, Gabriel wuxuu dhaawac ka qabay jilibka mana uusan ka qeyb gelin kulamadii xagaaga ee Brazil, iyo sidoo kale kuwii ugu horreeyay ee Premier League-gga Arsenal.

Garsoore Anupama Thompson ayaa sheegay in ragga weerarka geystay ay bartilmaameedsadeen garaiga iyagoo aaminsanaa in qofka leh uu yahay hantiile, iyagoo aan ka warheyn cidda iska leh.

“Inkastoo aadan si gaar ah u beegsan dhibbanaha oo aadan ogeyn inuu yahay cayaar-yahan caan ah, waxaa jira iska dhaadhicin ah in qofkan uu yahay hantiile mudan in la dhaco,” ayuu garsooruhu u sheegay Muuse.


Dhacdadan ma aha tii ugu horreysay ee ay la kulmaan cayaar-yahannada Arsenal. Bishii July 2019, labo nin oo hubeysan ayaa isku dayay inay dhacaan Sead Kolasinac iyo Mesut Ozil.

“Mesut ayaa i soo booqday,” ayuu yiri Kolasinac mar uu ka hadlayay weerarka oo dhacay November 2019. “Waan soo baxay waxaana soo dhinac istaagay gaarigiisa. Si lama filaan ah ayaa dawaral gaari uu noo soo dhinac istaagay.

“Durba qofka burcadda ah wuxuu soo istaagayaa dhinacaaga wax ayuuna jeebka kala soo baxayaa. ‘Haye’, Waxaan ku fekeray, ‘hadda waa markeyga’. Balse waan is dejiyay waxaana isku dayay inaan is difaaco.


“Waxay dhab ahaantii ahayd xaalad khatar ah. Waan ku faraxsannahay inaysan waxba nagu dhicin. Taasina waa waxaugu muhiimsan. Waana sababta ay u mudan tahay in la illaawo waa wax dhammaaday,” ayuu yiri Kolasinac



Xigasho Bbcda










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment