Daawo:- Haraadiga hubkii la isku adeegsaday dagaaladii Boosaaso oo daadsan magaalada, & fariimaha

Bulsha:- Hub aan weli qarxin oo ah haraadiga dagaaladii saddexda maalmood ka soconayay magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland, ayaa daadsan xaafadaha magaalada, sida uu soo sheegayo Wariyaha Puntlandtimes ee Boosaaso.

Haraadigan ayaa ah madaafiicdii ay isku adeegsanayeen ciidammo ka wada tirsan Puntland, oo qeyb kamid ah ay ka gadoodsan yihiin xil ka qaadistii Agaasimihii Hay’adda ciidanka PSF.

Saraakiisha dhanka Amniga ayaa uga digay shacabka magaalada Boosaaso inay gacmaha la aadaan hubka, iyagoo sidoo kale ugu baaqay dowladda in hubkan laga aruuriyo magaalada, si looga hortago khatar ka dhalata iyo inuu galaafto nolasha dad maato ah.


Xaalada Boosaaso ayaa ah maalintii labaad degan, kaddib dagaal ka socday saddex maalmood oo galaaftay nolasha dad gaaraya 50 qof, iyo dhaawaca in ka badan 100 qof, ayna ku barakaceen kumanaan ruux.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment