Banaanbax rabshado wata oo xalay ka dhacay magaalada Laascaanood

Bulsha:- Wararka ka imanaya magaalada laas-Caanood ee Gobolka Sool ayaa waxaa ay sheegayaan in xalay xilli dambe uu halkaasi ka dhacay Banaanbax xooggan oo ay dhigayeen qaar kamid ah dadka kunool Magaaladaas.

Banaanbaxa ayaa waxaa looga soo horjeeday xukuumadda Somaliland ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, waxaana intiisa badan dhigayay dad u badan dhalinyarada Magaalada.

Banaanbaxayaasha ayaa waxaa ay ku dhawaaqayeen ereyo ka soo horjeeda Maamulka Somaliland, iyaga oo sheegay inay kasoo horjeedaan dilal ka dhacay Magaalada laas-Caanood oo qaarkood ay ku lug leeyihiin Ciidamada Booliska Soomaaliland.

Ciidamada Somaliland ay rasaas ku fureen dadka dibadbaxa dhigayay oo qaarkood dhagxaan ku tuurayay Ciidamada, waxaana wararka qaar ay sheegayaan in banaanbaxa ay dad ku dhaawacmeen.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment