Axmed Madoobe iyo Lafta-gareen oo mowqif wadajir ah kasoo saaray doorashada

Bulsha:-  Madaxweyne goboleedyada Jubaland iyo Koonfur Galbeed Axmed Madoobe iyo Cabdicasiis Lafta-gareen oo kulamo ku yeeshay magaalada Kismaayo ayaa caddeeyey mowqifkooda ku aadan doorashooyinka dalka, waxayna sheegeen inay doonayaan inay sii socdaan.

“Madaxdu waxay isla garwaaqsadeen in qabsoomidda, dardargelinta iyo dhameystirka doorasho daahfuran ay xal u tahay horumarka iyo badbaadada dalka,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed ay soo saareen.

Go’aanka ay soo saareen labada madaxweyne goboleed ayaa dhabar-jab weyn ku ah Midowga Musharaxiinta mucaaradka oo dalbaday in la hakiyo doorashooyinka golaha shacabka oo ay sheegeen in la boobayo.

Midowga Musharaxiinta Mucaaradka ayaa u muuqda inay ku kali noqdeen ololaha ay ku doonayaan in doorashada lagu hakiyo, waxaana xitaa dalabkooda diiday madax goboleedyadii la rumeysnaa inay isku dhow yihiin, sida Axmed Madoobe.

Mowqifka Axmed Madoobe ayaan la-yaab laheyn, maadaama uu goor horeba soo saaray liiska 14 kursi oo ka mid ah Golaha Shacabka oo Jubaland ay dhowaan qabaneyso doorashadooda, halka Lafta-gareen uu goor horeba billaabay doorashada Golaha Shacabka.

Sidoo kale, ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa horey ugu gacan seeray dalabka mucaaradka ee ah in doorashooyinka la hakiyo.

Iska daa banaanka kore’e xitaa xubno ka mid ah Mucaaradka sida guddoomiyaha Midowga Musharaxiinta Shariif Sheekh Axmed ayaa la rumeysan yahay inuusan raali ka aheyn in la hakiyo doorashooyinka, inkasta oo lagu xamanayo inuu ku xirtay Farmaajo iyo Fahad.


Ma cadda sida ay xaaladda ku dambeyn doonto, hase yeeshee waxaa muuqata in Soomaaliya aysan marnaba ka dhici doonin doorasho daah-furan, waxaana furan kaliya laba ikhtiyaar oo kala ah; in sidan doorashada lagu aqbalo iyo in dalka uu galo dagaal.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment