Xildhibaan Sakariye oo soo jeediyey talo ay Soomaalidu uga faa’iidi karto burburka Itoobiya


Bulsha:- 
Xildhibaan Sakariye Xaaji Maxamuud oo ka hadlay xaaladda cakiran ee dalka Itoobiya ayaa sharaxaad ka bixiyey khataraha iyo fursadaha Soomaaliya ka soo wajihi kara dadka Itoobiyaanka ah hadii dalkoodu burburo, isagoo sheegay in talooyin muhiim ah uu u gudbiyey madaxweyne Farmaajo.

Xildhibaanka ayaa sidoo kale fariin u diray Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, waxuuna sheegay in hadii Itoobiya ay burburto ay fursado badan ka heli karto umadda Soomaaliyeed, oo haatan wajaheysa kala qoqobnaan aad u baahsan.

Sakariye Xaaji Maxamuud waxuu soo jeediyey in shanta Soomaaliyeed hadii ay iska kaashadaan khataraha ka imaan kara umadda Itoobiyaanka ah ee qaran jabka wajaheysa.

“Waxaan u tegay madaxweynaha, waxaana ku iri aqoonyahano Soomaaliyeed waa buuxaan, 10 ilaa 20 qof oo qubaro ah oo baaritaan sameeya oo dejiya qorshaha sida ay umadda Soomaaliyeed ula fal-geli karto khataraha nooga imaan kara Itoobiya iyo faa’iidooyinka dalkeena ugu jira burburka ku soo wajahan dalkaas aan diyaarino,” ayuu yiri Xildhibaan Sakariye.

Sidoo kale waxuu soo bandhigay sida quburadaas looga soo dhex-xuli karo umadda Soomaaliyeed, ee degta Geeska Afrika.

“Madaxweynaha waxaan kula taliyey Jigjiga, Gaarisa, Hargeysa, Jabuuti iyo shanta gobo lee kale, min laba qof hasoo direen, dadkaas oo qubaro lasoo xulay ah, hasoo dejiyeen barnaamij Soomaaliweyn looga badbaadi karo khatarta ka soo wajihi karta burburka Itoobiya,” ayuu yiri Xildhibaan Sakariye.

Sidoo kale waxa uu sheegay in faa’iido badan ay Soomaaliya uga imaan karto burburka Itoobiya, maadaama uu dalkaasi yahay ‘cadawga Soomaaliya’.

“Maanta waxaa banaanka taalla fursad ay ku midoobi karto shanta Soomaaliyeed, waxaan noqon karnaa dowladda koowaad ee gobolkan Geeska Afrika, dhul, dad badi iyo kheyraadba waxaan noqa doonaa dalka ugu horeeya Geeska Afrika, balse nasiib darro, waxaas dhan looma jeedee, hoos ayaan isku eegeynaa,” ayuu hadalkiisa ku sii daray.

Xildhibaanka ayaa madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle waxa uu ka dalbaday in arrintaan uu hoggaamiyo oo isagu uu aruuriyo quburo Soomaaliyeed oo heli kara xalka khatarta iyo faa’iidada nooga soo wajahan burburka Itoobiya.

“Waxaan ugu baaqayaa Ismaaciil Cumar Geelle oo madaxweyne ah, oday Soomaaliyeed-na ah, inuu arrintaas la wareego oo isagu u yeero dad Soomaali ah oo aqoonyahano ah oo arrintaan kasoo shaqeeya, waxaa suurta geleysa inaan ogaano, maxaa khatar ah iyo sidee uga badbaadnaa, maxaa faa’iido ah iyo sidee uga faa’iideysanaa? Waa sida lagu badbaadiyo umaduhu markii ay khatar galaan,” ayuu yiri.




Xildhibaan Sakariye waxuu qabaa in Soomaalidu madoobi karto, kadib burburka Itoobiya, “Waxaan ogaa doonaa inaan isku doon saaranahay oo fursadaha iyo khataraha aan wada leenahay, waxyaabo badan oo hadda Soomaalidu isku heysato kor ayaa looga bixi lahaa, hadii umadi khatar wada dareento wixii dhex yiilay waa ilaabeysaa, marka faa’iidooyin aan toos aheyn, laakiin faa’iidooyin waa weyn ah ayaan ka heli karnaa burburka Itoobiya,” ayuu yiri Xildhibaan Sakariye.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment