Wararkii ugu dambeeyey ee doorashada kursiga MURSAL iyo qorshihiisa Baydhabo

Bulsha:- Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya, Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa maanta gaaray gudaha magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Mursal ayaa waxaa garoonka diyaaaradaha ee Shaati Gaduud ku soo dhaweeyay guddoomiyaha golaha wakiilada dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane Cali Saciid Fiqi iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan maamulkaasi.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa Baydhabo u tegay arrimo la xiriira doorashada, gaar ahaan ka qeyb-galka tartanka loogu jiro doorashada baarlamaanka Soomaaliya.

Sidoo kale Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa doonaya inuu markale difaacdo kursigiisa, maadaama uu ka mid ah yahay kuraasta la shaaciyey ee Koonfur Galbeed.

Afhayeenka baarlamaanka oo si dhow saaxib ula ah madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhammaaday iyo hoggaamiyaha Koonfur Galbeed ayaa rajo weyn ka qaba dib u soo laabashadiisa, waxaana kursigiisa uu ka mid yahay kuwa ugu horreeya ee lagu dooranayo Baydhabo.

Waxaa sidoo kale inta uu joogo Baydhabo guddoomiyuhu la kulmi doonaa madaxda Koonfur Galbeed iyo qeybaha bulshada, isaga oo kala hadli doono arrimaha doorashada.


Koonfur Galbeed ayaa dhowaan shaacisay qabashada doorashada 11 kursi oo ka mid ah doorashada Golaha Shacabka, taas oo ka dhaceysa deegaanada maamulkaasi.












Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment