Wararkii ugu dambeeyey ee dagaalka Ethiopia iyo Abiy Ahmed oo gaaray furinta hore

Bulsha:- Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia Abiy Ahmed ayaa ku biiray furinta hore ee halka ciidamadiisa ay kula dagaalamayaan mucaaradka kasoo jeeda gobolka Tigray.

“Abiy waxa uu hadda hogaaminayaa weerar celiska, wuxuuna hagayey dagaalka shalay,” waxaa sidaas tiri warbaahinta dowladda ee FANA.

Ma cadda halka uu Abiy, oo horey uga tirsanaa militariga, uu dagaalka kaga jiro. Warbaahinta dowladda sidoo kale sooma bandhigin muuqaallo muujinaya isaga oo jooga aagga dagaalka.

Waaxda Arrimaha Dibedda Mareykanka, oo ka jawaabeysa wararka sheegaya in Abiy uu tegay furinta dagaalka, ayaa ka digtay in dagaalka Ethiopia “uusan laheyn xal militari.”

“Waxaan ku boorineynaa dhammaan dhinacyada inay ka fogaadaan hadallada dagaal iyo dab hurinta ah, oo ay adeegsadaan is-xakameyn, ilaaliyaan xuquuqda aadanaha, shacabkana badbaadiyaan,” waxaa sidaas yiri afhayeenka Waaxda Arrimaha Dibedda Mareykanka Ned Price.

Hadalka Abiy uu Isniintii ku sheegay inuu tegi doono furinta dagaalka, ayaa “kuwa badan ku dhiirii-gelisay inay ku biiraan ololaha bad-baadada,” waxaa sidaas sheegtay FANA.

Boqolaal ciidamo cusub ah ayaa Arbacadii ka qeyb-galay xaflad lagu soo dhoweynayey oo ka dhacday degmada Kolfe ee magaalada Addis-Ababa.

“Marka hoggaamiyaha uu ka tago kursigiisa iyo carshigiisa, waa inuu dalka badbaadiyo,” waxaa sidaas AFP u sheegay Tesfaye Sherefa, oo ah 42 jir darawal ah.

Feyisa Lilesa, oo ah orodyahan Ethiopia ah oo bilad qalin ah ku guuleystay cayaaraha olombikada ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in soo siqitaanka mucaaradka “ay tahay fursad weyn” oo dalka lagu difaaco.


Dhinaca kale, diblomaasiyiinta caalamiga ah iyo shaqaalaha hay’adaha ayaa kasii baxaya Addis Ababa, ayaga oo ka cabsi qaba inay mucaaradka qabsadaan, kuwaasi oo kusoo dhowaanaya.

AFP + VOA










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment