Turkey: Hadalka Erdogan oo sababay xasarad lacageed

Bulsha:- Qiimaha lacagta Turkey ee Lira ayaa Talaadadii gaartay heerkii ugu hooseeyey kadib markii madaxweyne Erdogan uu ku adkeystay rabitaankiisa ah in la dhimo dul-saarka, kana digay in dalkiisa “uu ku jiro dagaal madax-banaani dhaqaale ah.”

Sarifka lacagta Lira ayaa gaartay 13 halkii dollar-ba, taasi oo ah qiimo dhac 15% ah maalin gudaheed ah, kahor inta aanay xoogaa yar dib usoo kaban.

Turkey ayaa wajaheysa xasaraddii lacageed ee ugu xumeyd tan iyo 2018 markii qiimaha Lira uu gaaray heerkii ugu hooseeyey xilligaas oo uu muran kala dhaxeeyey madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump.

Bankiga Dhexe ee Turkey ayaa Khamiistii tegtay u hoggaansamay cadaadiska Erdogan, wuxuuna siyaasaddiisa heerka dul-saar dhimista ka dhigay 15 boqolkiiba, halka markii hore ay ka aheyd 16, inkasta oo dalka uu wajahayo sicir-bar iyo qiimo dhac lacageed.

Erdogan oo aad uga soo horjeeda dul-saarka, isaga oo rumeysan in dul-saarka uu mas’uul ka yahay sicir-bararka ee aanu hoos u dhigeyn, wuxuuna mar kale Isniintii difaacay aragtidiisa.

“Waxaan aragnaa cayaarta ay kuwaas wadaan ee ku aadan lacagta, dul-saarka iyo sare u kaca qiimaha badeecadda, waxaana tusi doonnaa qorshaha cayaarteena,” ayuu yiri.

“Waan ku guuleysan doonnaa dagaalkan madax-banaanida dhaqaale ah, anaga oo kaashaneyna caawimaadda Allah iyo shacabkeena.”

Lacagta Lira ayaa lumisay 40 qiimaheeda marka loo eego dollar-ka, tan iyo billowgii sanadkan, waxaana sicir-bararka uu gaaray 20 boqolkiiba, taasi oo afar jeer ka badan bartilmaameedka dowladda.

Kadib hoos u dhacii Lira ku yimid Talaadadii, Erdogan ayaa la kulmay guddoomiyaha Bankiga Dhexe Sahap Kavcioglu, hase yeeshee wax faah-faahin ah lagama bixin kulanka

Taxliiliyayaasha siyaasadeed ayaa rumeysan in dhibaatooyinka dhaqaale ee Turkey ay cadaadis xooggan saari doonaan Erdogan oo isku diyaarinaya doorashooyinka madaxweyne ee 2023, xilli ay mucaaradka dalkaas dhisayaan isbaheysi.


AFP










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment