Bulsha:- Ciidanka Boolilka gobolka gabiley ee Soomaaliland ayaa soo bandhigay Maandooriyaha Khamriga oo laga soo qabtay degmada Allay-Baday ee gobolkaasi Gabiley.
Howlgal ay Ciidanku ka sameeyeen Xaafado ka tirsan degmada Allay-Baday ayay kusoo qabteen dhowr Kartoon oo khamri ah iyo dad ka Ganacsanayay, sida ay sheegeen Saraakiisha Ciidamada Booliska.
Taliyaha Ciidamada Booliska Gobolka Gibiley ayaa sheegay in howlgalkaan uu qeyb ka yahay midka ay ku dagaalanayaan maandooriyaha khamriga & dadka ka Ganacsanaya, isla markaana dhawaan goob fagaaro ah ku bur burin doonaan.
Sidoo kale waxaa uu sheegay in dadka loo soo qabtay inay ka Ganacsanayeen maandooriyaha Khamroga inay ku wareejiyeen Maxkamadda Gobolka Gibileey si loo Maxkamadeeyo, isla markaana howlgallada la dagaalanka maandooriyaha ay sii wadi doonaan.
Soomaaliland ayaa waxaa ay kamid tahay maamulada sida weyn ula dagaamaya Maandooriyaha, waxaana dhowr jeer loo xukumay dad ka Ganacsanayay, halka goob fagaaro ah lagu burburoyay khamri farabadan.
Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:
Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Blogger Comment
Facebook Comment