Bulsha:- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadsa xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan la qaatay Guddoomiyaha Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal Maxamed Xasan Cirro.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa Guddoomiye cirro kala hadlay toosinta iyo hufnaanta doorashada Golaha Shacabka ee BFS iyo xaqiijinta in aan cidna lugu xadgudbin.
Guddoomiyaha Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal Maxamed Xasan Cirro ayaa ra’iisul Wasaaraha siiyay warbixin la xiriirta habka ay u socdaan doorashooyinka Golaha Shacabka, isaga oo u cadeeyay in ay si huufan u qabanayaan doorashooyinka..
Kulanka Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Guddoomiyaha Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal Maxamed Xasan Cirro ayaa kusoo beegmaya xilli xubno u badan musharrixiinta Madaxweynaha ay walaac ka muujinayeen sida ay ku socdaan doorashooyinka, iyaga oo ku dhaliilay Ra’iisul Wasaaraha.
Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:
Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Blogger Comment
Facebook Comment