Haweeneey lagu dilay Muqdisho & faah faahin laga helayo

Bulsha:- Rag ku hubeysnaa Bustoolado ayaa Maanta waxaa ay qof Haweeneey ah  ku dileen agagaarka Isbitaalka Digfeer ee Magaalada Muqdisho, waxaana dilkeeda kasoo baxaya warar kala duwan.

Haweeneyda oo lagu Magacaabi jiray Dahabo Jimcaale Tooxow ayaa wararku sheegayaan inay ka tirsaneyd Ciidanka dowladda, waxaana ragga hubeysan ay ku toogteen Gurigeeda oo kuyaal agagaarka Isbitaalka Digfeer ee Magaalada Muqdisho.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in ragga dilka geystay ay goobta ka baxsadeen, isla markaana ay Xaafada uu dilka ka dhacay tageen Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya, kuwaas oo sameeyay howlgal aan wax natiijo ah kasoo bixin.


Maalmihii la soo dhaafay ayaa Magaalada Muqdisho waxaa kusoo batay dilalka qorsheysan oo loo geeysanayo askarta ka tirsan Ciidanka dowladda iyo dad Shacab ah, iyada oo dilalka qaarkood ay sheegteen Al-Shabaab halka kuwa dadka Shacabka ah ay geystaan Kooxo Burcad ah oo dhac u geeysanayay.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment