Diiwaan gelinta musharaxiinta u tartameysa 9 kursi oo katirsan Golaha Shacabka oo bilaabatay

Bulsha:- Guddiga hirgelinta Doorashooyinka Dadban ee Gobollada Waqooyi (Somaliland) ayaa maanta billaabay diiwaangelinta Musharixiinta u tartameysa 9 kursi oo Golaha Shacabka ah oo todobaadkii hore uu isla guddigaan shaaciyay.

Qoraal uu soosaaray Guddiga waxa uu jadwaleeyay waqtiga Diiwaangelinta si marka ay usoo idlaato diiwaangelintaas loo qabto Doorashada lagu dooranayo qaybta labaad ee Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Gobollada Waqooyi.

20ka illaa 22-ka November 2021 waxaa kaararka aqoonsiga qaadanaya Musharixiinta u tartameysa sagaalka kursi, waxaana ay marayaan buuxinta shuruudaha uu diyaariyay Guddiga hirgelinta Doorashooyinka sida in uu musharaxa shubo lacagta la hordhigay.

Gobollada Waqooyi ayaa daah-furay Doorashada Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad 1-dii November 2021, Labo Xildhibaan oo keliya ayaa laga doortay 275-ta Mudane ee Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee Federaalka.






Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment