Dagaal-yahan ka tirsan Xamas oo toogasho dhimasho leh ka fuliyey Qudus

Bulsha:- Dagaal-yahan ka tirsan ururka Xamas ee Falastiin ayaa toogasho ku dilay hal qof, saddex kalena ku dhaawacay magaalada qadiimiga ah ee Qudus kahor inta aan toogasho lagu dilay, sida ay sheegeen booliska, kooxaha caafimaadka iyo saraakiisha Israel.

Afar qof oo dhaawac ah, oo laba ay yihiin saraakiil boolis, labada kalena shacab ayaa loola cararay isbitaalka Hadassah ee magaalada Qudus, halkaasi oo mid ka mid ah labadii qof ee rayidka uu ku geeriyooday.

Ra’iisul Wasaaraha Israel Naftali Bennett ayaa maray in amniga la xoojiyo, wuxuuna shacabka ugu baaqay “inay muujiyaan feejignaanta ugu sarreysa,” ayada oo ay suurta-gal yihiin weeraro dheeraad ah.

“Saaka waxaa toogasho ay ka dhacday Magaalada Qadiimiga ah ee Jerusalem. Waxaa xilligan jira dhimashada hal qof iyo dhaawaca saddex qof,” ayuu Bennett ku yiri war-saxaafadeed.

“Laba haween oo boolis ah iyo nin boolis ah ayaa durba dilay argagixisadii,” ayuu yiri.

Qofka dhintay ayaa magaciisa lagu sheegay Eliyahii Kay, wuxuuna ahaa muhaajir ka yimid dalka Koonfur Afrika oo ka shaqeynayey Darbiga Galbeed. Wasaaradda socdaalka ayaa sheegtay inuu ahaa 25 jir yimid Israel 2019-kii.

Wasiirka Amniga Dadweynaha Israel Omer Bar-Lev ayaa sheegay in qofka weerarka fuliyey uu ahaa Falastiini ku noolaa xaafadda Shuafat ee bariga magaalada Qudus, uuna ka tirsanaa Xamas.

Dowladda Mareykanka ayaa soo saartay bayaan ay “si xooggan” ugu cambaareyneyso weerarka.

“Waxaan u tacsiyeyneynaa dhibanayaasha iyo qoysaskooda,” waxaa sidaas yiri afhayeenka wasaaradda arrimaha dibedda Mareykanka Ned Price.

AFP









Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment