Daawo Sawirada:- NISA oo garoonka Muqdisho ku qabatay diyaarado drone ah iyo xildhibaan sheegtay

Bulsha:- Ciidamada Nabad-Sugidda Soomaaliya ayaa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde toddobaadkii tegay ku qabtay diyaarado Drones ah, kuwaas oo ay la wareegeen, sida ay ogaatay Caasimada Online.


Xogta aan helnay ayaa sheegeysa in diyaaradaha ay yihiin illaa lix, waxaana laga soo iibiyey dalka Turkiga, ayada oo dalka la keenay ayaga oo kala furfuran si gudaha dalka loogu rakibo. 


Diyaaradaha ayaa waxaa sidoo kale la socday oo lala qabtay laba farsamo-yaqaan oo u dhashay dalka Turkiga, kuwaasi oo qorshuhu ahaa inay diyaaradaha rakibaan, kadibna howl-geliyaan.


Labada qof ee Turkish-ka ayaa lasii daayey kadib markii ay soo faro-gelisay safaaradda Turkish-ka, oo dalbatay in la fasaxo haddii aan lagu hayn caddeymo dmabi ay galeen. 


Sawirro ay heshay Caasimada Online ayaa muujinaya in diyaaradaha ay yihiin kuwa waa weyn, oo u eg kuwa fuliya weerarada.


Xogta aan helnay ayaa intaas ku dareysa in diyaaradaha uu sheegtay inuu leeyahay xildhibaan Zakariye Maxamuud Xaaji Cabdi, oo ku dooday inuu u keensaday inuu u adeegsado inay waraabiyaan beero ku yaalla Puntland. Zakariye ayaa la filayaa inuu dhowaan warbaahinta la hadlo, oo uu faah-faahiyo kiiskan.


Maamulka Puntland oo dhinaca kale qoraal soo saaray ayaa sheegay inaan diyaaradahan loo keeni karin. 


Saraakiil ka tirsan Nabad-Sugidda Soomaaliya, oo la hadlay Caasimada Online balse codsaday inaan la magacaabin, ayaa sheegay inay ka cabsi qabaan in diyaaradahan ay halis ku yihiin amniga, ayada oo uu jiro shaki weyn oo ku aadan ujeedka rasmiga ah ee loo keenay dalka. 


Waxaa sidoo kale jira tuhun ah inay suurta-gal tahay in diyaaradaha loo waday dalal shisheeye oo kale. 


Saraakiisha NISA ayaa sidoo kale sheegay in diyaaradaha aysan la socon warqadaha iibkan, oo aysan caddeyn cida dhab ahaan iska leh, taasi oo sii kordhisay shakiga.


Hoos ka arag sawirrada diyaaradaha la qabtay 









Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment