Daawo: ROOBLE oo weerar culus ku qaaday Ahlu-Sunna

Bulsha:- Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Roobe oo xalay khudbad ka jeediyey munaasabad ka dhacday magaalada Dhuusamareeb ayaa weerar afka ah ku qaaday Ahlu Suna Waljamaaca.

Rooble ayaa marka hore soo hadal qaaday shaqaaqooyinkii iyo dadaalladii dhowaan ka dhacay Galmudug, kadib dib u soo rogaal celintii xoogaga Ahlu Sunna Waljamaaca.

Ra’iisul wasaaraha ayaa sidoo kale tilmaamay inuu aad uga xun yahay in xilligan arko Galmudug dad caqabad ku ah horumarkeeda iyo midnimadeeda, sida uu hadalka u dhigay.

“Sidaad la socoteen Galmudug caqabado yaryar ayaa qabsaday isbuucyadii u dambeeyey, taasoo ay keeneen kooxo ama group aan ka shaqeynin nabadda runtiina aad ayaan yga xumahay in Galmudug lagu dhex arko dad carqalad ku ah midnimada, dowladnimada iyo jiritaanka Galmudug,” ayuu yiri ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya.

Sidoo kale wuxuu ku goodiyey in dowladda Soomaaliya ay ka hortagi doonto cid kasta oo isku deyda inay carqaladeyso Galmudug, ayna ku qaban doonto gacan bir ah.

“Haddaa nahay dowladda federaalka waxaan naga go’an cid kasta oo isku deydo oo Galmudug ku deydo inay caqabad ku noqoto jiritaankeeda, kana hortimaada midnimada iyo dowladnimada Galmudug inaan gacan bir ah ku qabano,” ayuu hadalkiisa sii raaciyey.

Ugu dambeyn Rooble ayaa xusay in dowladda federaalka aha aysan aqbali doonin cid kasta oo ka hortimaada nabadda Soomaaliya, isla-markaana ay ka hortagi doonaan.

Dowladda Soomaaliyeed ma aqbaleyso, mana aqbali doonto cid kasta oo ka hortimaada nabadda Soomaaliya,” ayuu markale yiri ra’iisul wasaaruhu.


Hadalkan ayaa ku soo aadayao, iyada oo dhowaan dagaallo u dhexeeyey Ahlu Sunna iyo Galmudug ay ka dhaceen Guriceel, kuwaas oo sababay khasaare isugu jiro dhimasho, dhaawac iyo burur, waxaana Ahlu Sunna ay ku sugan tahay duleedka Dhuusamareeb.







Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment