Abiy oo tallaabo lama filaan ah ku dhowaaqay xilli lagu soo dhowaaday Addis Ababa

Bulsha:- Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia Abiy Ahmed ayaa ku dhowaaqay inuu aadi doono furimaha dagaalka si uu hoggaamiyo ciidamada la dagaalamaya mucaaradka, xillia dagaalka sanad jirsaday uu kusoo dhowaanayo caasimadda Addis-Ababa.

“Laga billaabo berri [maanta oo Talaado], waxaan ciidanka ka abaabali doona jiidda hore,” ayuu Aby Ahmed ku yiri bayaan uu soo dhigay twitter habeenkii Isniinta. 

“Kuwa doonaya inay ka mid noqdaan caruurta Ethiopia ee ay xusi doonto taariikhda, u istaagi dalkiina maanta, aanu ku kulano furinta hore.” 

Bayaanka Abiy ayaa yimid ayada oo ciidamada TPLF ay kusoo dhowaanayaan Addis Ababa, kadib markii ay qabsadeen magaalada Shewa Robit, oo 220 km u jirta caasimadda.

Wasiirka difaaca Abraham Belay ayaa shalay warbaahinta dowladda u sheegay in ciidamada dowladda ay la iman doonaan “xeelad cusub,” isaga oo aan bixin faah-faahin. 

“Sidan kuma sii socon doonno, waa inaan isbeddel sameynaa,” ayuu yiri Belay. 

Abiy ayaa ciidamada dowladda u diray gobolka Tigray bishii November ee 2020, kadib markii uu TPLF ku eedeeyey inay weerareen xero ay leeyihiin ciidamada dowladda.

Kadib bilo ay haysteen gobolka, ayaa wax walba waxay isbeddeleen bishii June ee sanadkan kadib markii TPLF ay dib ula wareegtay gobolka, ciidamada dowladdana ay ka baxeen.


Wixii markaa ka dambeeyey TPLF ayaa isku ballaarisay gobollada deriska la ah ee Amhara iyo Afar. 

Waxay sidoo kale isbaheysi la sameysatay kooxo kale, oo ay ku jirto kooxda OLA ee Oromada, taasi oo ku xooggan gobolka Oromia ee deriska la ah Addis Ababa. 










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment