Wararkii Ugu Danbeeyay Dagaalka Guriceel & Taliyihii ugu sareeyey Ahlusuna oo gacanta lagu dhigay

Bulsha:-  Dagaalka ayaa weli ka socda aagga Jaamacada iyadoo sidoo kale dhinaca xero xoosh ayaa rasaas xoogan laga maqlayaa,waxaana adag in khasaaraha la ogaado.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in hub culus weli laga maqlayo dhinaca wuqooyo bari waxaana jira waxyeelo kala duwan oo ka dhashay.

Taliyaha ugu sareeya ciidamada ahlusuna Gaashaanle Cali Faarax ayaa la sheegay in dhaawac uu soo gaaray islamarkaana gacanta ay ku dhigeen ciidamada Galmudug.

Sidoo kale sargaal lagu magacaabo cali xade oo ahlusuna xubnaha ugu muhiimsan ayaa la qabtay sida ay sheegayaan saraakiisha galmudug iyo kuwa Dawlada Soomaaliya.

Maxamuud Tashade oo isna dhaawac ah ayaa la dhigay cusbitaalka gaalkacyo oo hadda lagu dabiibayo,waxaana dhamaan saraakiishani ahlusuna ka tirsanaa ayaa gacanta ugalay Dawlada iyo Galmudug oo isku dhinac ah.

Meelaha ugu badan ee rasaasta ka dhaceyso waa agagaarka ceel abshir,tuulada gaban,agagaarka jaamacada,Cusbitaalka istarliin iyo agagaarka guriga sheekh shaakir degganaa.













Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment