DEG DEG: Agaasimihii Hay’ada Socdaalka & Jinsiyadaha Koofi oo xilka laga qaaday

Bulsha:- Kulanka golaha wasiirada soomaaliya ay ku yeesheen magaalada muqdisho ayaa xilka looga xayuubiyey Agaasimihii hay’ada Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya Maxamed Aadan Koofi.

Xilka Koofi laga xayuubiyey waxaa loo magaacabay C/qaadir Cilmi Cali oo ahaa Gudoomiyihii Guddiga farsamo, kaas oo xaafiiska Ra’isul Wasaaraha ka taageeri doona hannaanka doorashada dalka, ay lagu sheegay wareegtada magacaabista guddigan.

Gaashaanle sare Maxamed Aadan Jimcaale (koofi) ayaa xilkaan loo magacaabay 26-kii July 2016-kii kaas oo ilaa wakhtigaas soo hayey xilka Agaasimaha hay’ada Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya.

Intuu xilka hayey Koofi waxa uu hormar gaarsiiyey qiimaha baasaboorka soomaaliga isagoo xarumo casri ah udhisay hay’ada Socdaalka iyo jinsiyadaha.




Si gaar ah looma oga waxa lagu qoonsaday Koofi hayeeshee shalay waxaa jirtay shir uu la qaatay wasiirka amniga cabdullaahi maxamed nuur xubnaha hay’ada Socdaalka iyo jinsiyadaha.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment