Ganacsigeeda waxay ka billowday Masaabiir, maantana waa milyan-dheer

Bulsha:- Waa haweenay Soomaali ah oo tusaale wanaagsan u ah guulaha ay nolosha ka gaari karaan dumarka Soomaaliyeed, magaceedu waa Aamino Xirsi Mooge, waxayna u warantay wariye Bushra Nuur iyo barnaamijka Taxanaha Dumarka ee BBC Somali

Dhaxal
Waxa ay noqotay haweenayda ugu taajirsan dalka Uganda iyo qofka labaad ee ugu hodansan dalkaasi oo dhan sida ay qortay majaladda Forbes ee ka faaloota dadka hodanka ah ee adduunka.

Markii koox ka socota BBC Somali ay ku booqdeen fadhigeeda magaalada Kampala, wax kasta oo ay arkeen waa wax ka marqaati kacayay taajirnimadaas lagu sheegay Aamina Xirsi Mooge oo kasoo jeedda qoowmiyad intooda badan nolosha la daala dhacaysa.

Aamina Xirsi ayaa iska leh mid ka amid ah dukaamada ugu wayn kampla ee Oasis Mall

Mar la weeydiiyay qaabka ay ganacsiga ku biloowday waxa ay tiri "Ganacsi bay hooyadeed lahayd, waxaan ka billaabay dukaan masaabiirta iyo qalabka dhismaha lagu iibiyo, hormarka aan maanta gaaray, hadda ma uusan bilaabanin, wuxuu soo biloowday illaa maalinkii aan 9 sano jir ahaa".


Maxaa kala haysta hawsha guriga iyo ragga Soomaalida ee qurbaha ku nool?

Laga soo billaabo maalintii ay 9 sano jir ahayd illaa maanta oo ay 64 jir tahay gadaal ma aysan eegin, waxayna isku guntaysay dun kasta si ay u gaarto heerka ugu sareeya, waxayna beenteysay fikir kasta oo laga qabay guulaha ay dumarka nolosha ka gaari karaan. ''Yaa yiri dumarka heer ma gaari karaan?'', ayay is weydiisay.

Ganacsiga bullaalay
Waxa ay leedahay dhismaha weyn ee laga dukaamaysto ee ka mid ah astaamaha muuqda ee ay markiiba ishu qabato ee magaalada Kampala ee Oasis, waxa kale oo ay leedahay guryo waaweyn iyo hoteel casri ah , balse sheekadeeda halkaasi kuma eka.

Ganacsigeeda waxa uu ku faafay caasimad illaa heer tuulo, waxayna tuulada Atiak oo ku taala meel u dhow xudduuda Uganda iyo Suudaanta Koonfureed ka dhisaysaa warshad weyn oo ay ku kacaysa lacag dhan $120 milyan oo doolar.



Warshad ku kacaysa $120 milyan ayay ka dhisaysaa Uganda

Waxay tiri "Warshadda sokorta waxaan ka sameeyay meel tuulo ah, tuulooyinka ayaana wax laga soo saari karaa, waxaanan ka fikirayaa in aan fikrado wanaagsan oo ganacsi la imaado Uganda, dadkeenana waxaan tusayaa in wax la qabsan karo, marka aad wax samaysid ayaad dadkana wax tari kartaa".

Asal ahaan waxa ay ku dhalatay dalka Kenya, degmada Bungoma, halkaas oo ay qoyskooda degenaayeen, ganacsiyana ku lahaayeen ka hor intii aysan u wareegin dalka Uganda.

Aamina Xirsi waxa ay aad uga mahad sheeganaysaa dowladda Uganda, waxaana xafiiskeeda u yaala sawir muujinaya iyada iyo madaxweynaha Uganda Yoweri Musavani, iyada oo arrintaas ka hadlaysana waxa ay tiri "Uganda waxa ay gacan igu siisay in ay dadka arkaan waxaan samayn karo, maanta aniga oo gabadh Soomaaliyeed ah haddii aan Soomaaliya joogi lahaa, la iima ogolaadeen waxa halkan iiga qabsoomay".


Aamina Xirsi Mooge




Aamino dumarka Soomaaliyeed waxa ay u heysaa talo wax ku ool ah "Haddii aad doonaysid in isbadal dhoco waa in uu adiga kaa biloowmaa, gaar ahaan haddii aad tahay dumar".

Aamina waxa ay BBC-da u sheegtay in shahaadooyin badan iyo billado ay ku muteysatay horumarka ay ganacsiga ka gaartay, taas oo ay ka heshay madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta iyo madaxweynihii xilka kaga horeeyay Muwai Kibaki.

"Hooyaday xitaa waxa ay heshay abaalmarin ah dadka ugu wanaagsan ganacsiga ee gobolada waqooyi ee Kenya, dadkuna wax waa qabsan karaan" ayay tiri Aamino oo dangiig ugu fadhida kursi xafiiskeeda u dhexyaala.

Uganda ayaa sidoo kale looga aqoonsanyahay in ay tahay haweenayda ugu taajirsan, iyada si heer sare ah ay marar badan u qaabileen madaxda Uganda iyo sidoo kale Kenya oo ay asal ahaan kasoo jeedo.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment