Ciidamadii muranka dhaliyay oo laga qaaday Baledweyne, loona daabulay Dhuusamareeb

Bulsha:- Xilli Odayaasha Dhaqanka Gobolka Hiiraan ay diidanaayeen  Ciidamo u dhashay reer Hiiraan in laga qaado Magaaladaasi loona daabulo Gobolka Galgaduud, ayaa Saraakiisha Ciidamada dowladda waxa ay maanta qaadeen ciidankii uu muranka ka taagnaay.

Ciidamadan ayaa shalay tababar loogu soo gaba gabeeyay Magaalada Baledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan, waxaana maanta loo qaaday Magaalada Dhuusamareeb.

Amarka lagu qaday ciidamadaan ayaa warar soo baxayay waxaa ay sheegayeen inay bixisay dowladda federaalka Soomaaliya, waxaana Taliyaha guutada 5aad ee qeybta27 aad Faarax Cali Waasege oo shalay la hadlayay boqolaal ka mid ah Ciidankaas ayaa sheegay inu fuli doona amarka dowladda islamarkaana Ciidamada la geyn doono halkii ay dowladda amarto.

Ciidankaan ayaa waxaa lagu qaaday gaadiidka waaweyn ee xamuulka ah waxaana qorshaha uu yahay xerada Ciidamada ee Magaalada Dhuusamareeb in la geeyo.

Dowladda Somaliya ayaa waxa ay wadaa qorshe dagaal oo Shabaab la doonaayo in looga saaro deeganada Gobolada Mudug & Galgaduud.
Lama oga tallaabada ay qaadi doonaan Odayaasha Dhaqanka Magaalada Baledweyne ee waayahan diidanaa Ciidamadaasi in la qaado, balse go,aankoodii shaqeyn waayay.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment