War-Saxaafadeed kulul oo ka soo baxay Xafiiska QM ee Somalia (Akhriso)

Bulsha:- UNSOM oo Cambaareysay Rasaasaynta aan Sababta Lahayn ee loo Geystay Kolonyadi QM ee Ku Sugnayd Dowlad Goboleedka Galmudug

Hawlgalka Kaalmeynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM) wuxuu cambaaraynayaa xayiraaddii iyo weerarkii loo geystay kolonyo gaadiid oo QM leedahay [dhacdadaas] oo ka dhacday waddada xiriirisa Gaalkacyo iyo Cadaado ee dowlad goboleedka Galmudug Sabtidii, 3dii November.

Kolonyada waxaa la socday tobaneeyo saraakiil boolis ah oo ka socday Koonfurta Gaalkacyo saacadihii dambe ee galabnimadii Sabtida markii lagu joojiyay bar-koontarool oo shan kiiloomitir banaanka ka ah Cadaado ayna joogeen sideed rag ah oo sheeganayay inay yhihiin saraakiil boolis. Midkoodna ma xirnayn dharka/lebiska booliska, laakiin waxay diideen inay marin siiyaan kolonyada oo gelbinaysay koox shaqaale QM ah oo loo xil-saaray gogol-xaarka booqasho ku wajahnayd Dhusamareeb oo madaxda QM ku tegi lahayd halkaas.

Kadib markii saraakiishii QM go’aansadeen inay baajiyaan hawsha [socdaalka shaqo] oo ay dib ugu laabtaan Galkacyo, ayaa gaari xamuul qaad ah oo ay saarnaayeen maleeshiyaad wuxuu soo dhexmaray barta kontorool wuxuuna rasaas ku furay kolonyadii QM. Ma jiro qof kamid ah xubnaha kolonyada oo ku dhaawacmay, mana jirto waxyeelo kasoo gaartay gaadiidka QM dhacdadaasi rasaasaynta ah.

“Weerarkii todobaadkii hore loo geystay kolonyada QM ma aha wax la qabali karo, waxaana ugu baaqaynaa madaxda dowlad goboleedka Galmudug iyo Dowladda Federaalka ah inay la xisaabtamaan maleeshiyaadkii rasaasta ku furay saaxiibadeen. Weerar noocaas oo kale ah looma geysan Qaramada Midoobay ee Soomaaliya muddo aad u fog.” ayuu yiri Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud u qaabilsan Soomaaliya, Nicholas Haysom. “Shaqaalaha Qaramada Midoobay waa in loo ogolaado inay si xor ah ku dhexmaraan Soomaaliya waqti kasta. Waa inay awood u helaan gudashada waajibaadka shaqo ee UNSOM iyo hey’adaha QM, sanduuqyada iyo barnaamijyada iyagoo aan khatar ugu gelin in la rasaaseeyo sabab la’aan.”

DHAMAAD










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment