Daawo Sawirro:- Shir looga hadlayo amniga Soomaaliya oo ka furmay Brussels

Bulsha:-  Shir looga hadlayo amniga Soomaaliya oo uu shir gudoominayo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Kheyre, ayaa waxa uu ka bilaawday magaalada Brussels ee dalka Belgium.

Shirka oo ay ka qeyb gelayaan qaar kamid ah madax dowladaha taageera Soomaaliya, ayaa waxaa looga hadlayaa ammaanka Soomaaliya, tayeynta ciidanka iyo hanaanka ugu haboon ee ciidanka Soomaaliyeed ay amaanka dalka ugala wareegi karaan ciidanka AMISOM.
Safiirka Soomaaliya ee Midowga Yurub, Cali Saciid Fiqi, oo kamid ah masuuliyiinta madasha shirka kusugan ayaa waxa uu sheegay in shirka looga hadlayo guud ahaan hanaanka amaanka dalka, iyada oo si gaar ah diiradda loo saari doono dhismaha Ciidanka difaaca dalka si amaanka dalka ay ula wareegaan.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment