MUUQAAL: Orodkii ugu Xiisaha Badnaa oo lagu qabtay Muqdisho iyo Cabdi Bile Cabdi oo ka hadlay waxa dhacay

Bulsha:-  Waxaa maanta si rasmi ah uga furmay magaalada mUqdisho orod ah oo lagu maamuusaaye 6-da April oo ah maalinta caalamiga ah ee Ciyaaraha iyo Nabadda aduunka iyo sidoo kale maalinta Ciyaartoyda Soomaaliyed waxaana furitaanka tartankani oo goob joog ka aha Orodyahanka Soomaaliyed ee Cabdi Bile Cabdi.

Illaa 357 dhalinyara ah oo matalaye 17ka Degmo ee Gobolka Benaadir iyo xirrirka Olympikasa ayaa ka qeyb galay tartankani iyagoo ordayay masaafa gaareysa 3Kiilo mitir oo isku xirta Isgosyada KM4 iyo Daljirka Dahsoon waxaana kaalinta koowaad ku guuleystay Orodyan Cali Iidow Xasan oo ka mid ahaa dhalinyarada maanta ka qeyb gashay Tartanka Muqdisho Mini Maradon.

Orordyahanka Soomaaliyed ee Cabdi Bile Cabdi oo ah shaqsigii ugu horeeyay ee isagoo matalaya magaca Soomaaliya ku guulestay tartanka ororada aduunka xiliyadii berisamaadkii ayaa waxa uu tilmaamay in dhalinyarada ay mudan yihiin garab istaag dhab ah.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment