Daawo Sawirro:- Amiirad ka baxsaneysay dowlada Imaaraadka Carabta oo la waayey

Bulsha:- Koox dhanka sharciga u ololeysa oo ku sugan London ayaa ugu baaqay Imaaraatka Carabta inay ka jawaabaan waxa ku dhacay amiirad soo duubtay muuqaal ay ku sheegeyso in aabbaheed oo ah ninka xukuma Dubai uu nolosheeda khatar geliyay.

Sheekha Latifa Al-Maktuum ayaa waxay isku dayaysay in ay ka baxsato dowladda Imaaraadka, iyada oo bishii Maarso raacday doon Mareykanka ka diiwaan gashan.

Doonta ayaa iyada oo ku sugan biyaha caalamiga ah waxaa soo raacay askar rabshad kala hortagay shaqaalihii doonta kuwaas oo markii dambe xoog ku kaxeystay gabadhaasi oo markii dambe la geeyay dalka Imaaraadka.

Kabtanka doonta Herve Jaubert ayaa sheegaya in xabsi la geliyay, lana garaacay ka hor inta aan loogu hanjabin in la dili doono balse markii dambe la fasaxay.

Gabadhan ayaan haatan la ogayn halka lagu hayo balse muuqaal ay kal hore soo dhigtay Youtube-ka ayay ku sheegtay in aabaheed uu xabsiga dhigay isla markaana uu jirdil ku sameeyay.
Muuqaalkaas ayay Sheikha Latifa ku sheegtay in amar uu bixiyay aabbaheed Sheikh Mohammed bin Rashid al Maktoum, loo dhigay xabsiga kaddib markii ay caawisay walaasheed oo mucaarad ah.









Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment