Bulsha:- Guddoomiye Xisbiga Wadani C.raxmaan Cirro oo goordhaweyd warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa ayaa yidhi ” Muuse Biixi waxaa u bannaan in uu is caliso maanta haddii kalana waa in lagu qaadaa khiyaamo qaran oo maamuus ka xayuubin lagu sameeyaa.”
Isagoo ka hadlayey hadalkii shalay uu yidhi wasiir-dawlaha arrimaha dibadda ee imaaraadka carabta Anwar Qarqaash ee la xidhiidhay heshiiska dekedda Berbera.
Dhinaca kale Guddoomiyaha xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Cirro wuxuu madaxweynihii hore ee Somaliland Axmed Siilaanyo ku eedeeyay khiyaamo Qaran “Siilanyo wuxuu jabiyey dastoorkii dalka, waxaana uu dalka kaga tagay taariikh madow, dalkana waxaa uu kula kacay khiyaaamo qaran.” ayuu yidhi Cirro.

Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:
Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Blogger Comment
Facebook Comment