Gabdhaha quruxda badan maxay guurka uga daahaan

Bulsha:-   Gabdhaha quruxda badan maxay guurka uga daahaan
Gabdhaha quruxda badan maxay guurka uga daahaan

Sababaha Dumarka Quruxda iyo Fariidnimada isku Darsada ay Guurka uga Daahaan.
•Gabdhaha Qurux iyo aqoonta Meel Wayn
Ka Gaaraa Guurka Way Ka Daahaan!

Cilmibaadhis ay Samaysay Majallad
Caalamiya oo Ka Faalloota arimaha
Haweenka ayaa Daahfurtay in ragga Badankoodu aaminsan Yihiin in Dumarka
Quruxda Badan ee Weliba Fariidnimada Lagu Wajeerto,Kuna Dadaala inay ilaliyan
Quruxdooda iyo Xarragadoda ay Si Sahal ah u Helaan Guur,laakiin ay Taasi Tahay
Been ay iska Dhaadhiciyeen raggu.

Laba Kooxood oo ah Cilmibaadhayaal Ayaa Daraasado arintan la Xiriira oo ay
Sameeyeen Ku ogaadeen in Dumarka
Noocan ah badankoodu ay inta Badan nin
La,aan dhacaan Waxa aanay Cilmibadhayaashu liiska Sababa ay arrintaas u aaminayaan.

√RAGGU WAY KA BAQAAN.
Gabadha Quruxda vadan,Weliba Gaar.ahn
Ta ay Maskax badnaantu u dheertahay
Waxaa Ku beeran Kalsooni Xad Dhaaf ah
Oo ay Nafteeda Ku qabto Sidaa awgeed
Ragga badankoodu Waa ay Ka baqaan in ay Wax Xidhiidh ah la Sameeyaan iyaga oo ugu yaraan Ka cabsi qaba in ay Hadhow iyadu hoggaamiso.

√MADAX BANAANI
Daraasaddani Waxa ay Muujisay in Gabadha Quruxda badan iyo Gabadha Fariida ah ama Ta labadaba isku darsatay
Ay inta badan Caan ku Tahay kalsooni ah inay iskeed horumar badan u Samayn Karto Meel dheerna u gaari karto Sidaa awgeed ay Tahay in ay nafteeda Ku Tiirsanaato oo aanay Cid kale hoos Tegin
Arrintaas Waxay Cabsi badan Ku abuurta
Ragga oo Jecel in ay iyagu Talada Qoyska Qabtaan,isla markaana Hoggaamiyaan Xaaska.

√WAXAY XOOGGA SAARTAA NOLOSHEEDA.
Dumarka Fariidnimada Badan ama Quruxda iyo Fariidnimada isku Darsadaa Waxa ay aaminsanyihiin in Noloshooda
Muhiimkeedu uu yahay in ay dhisaan Mustaqbal Shaqo iyo Xirfadeed oo Mustaqbalkooda anfaca Sidaa awgeed
Ninku Wuxuu Ka baqaa in ay gabadhaasi Hoggaamiso ama ay uga baahato Nolol
Aanu awoodi karin in uu daboolo Dhaqale ahaan iyo Masuuliyad ahaanba.

Wll Share dheh say asxaabtaadu Kuula
Wadaagaan Mahadsanidiin.

Runtii Waa Qormo Cajiib ah.

Akhri oo Faafi.

XIGASHO










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment