Dowladda Soomaaliya oo u yeertay Safiirka Dalka Imaaraadka iyo Su’aalo la weydiiyay

Bulsha:- Dowladda Soomaaliya ayaa la sheegay inay maanta qaaday tallaabadii ugu horeysay ee diblomaasiyadeed oo ay ku muujineyso sida ay uga horjeedo heshiiska Dekadda Berbera ee dhowaan ka dhacay magaalada Abu dhabi iyo saldhiga milateri ee Imaaraadku ka dhisanayo magaalada Berbera.

Dowladda Soomaaliya ayaa u yeertay safiirka Imaaraadka Carabta u fadhiya Soomaaliya, iyadoo laga dalbaday inuu caddeyn iyo faafhaahin ka bixiyo arrinta dekadda Berbera ee shirkadda DP World ay kula heshiisay Itoobiya iyo Saldhiga Milateri.

Safiirka Imaaraaka Maxamed Axmed Cusman Alhamadi ayaa looga yeeray maanta xarunta Wasaaradda Arrimaha dibadda Soomaaliya, waana tallaabadii ugu horeysay ee dhinaca diblomaasiyadda ah ee dowladda Soomaaliya ay qaadato dalka Imaaraadka.

Xeerkii dalka looga mamnuucay shirkadda DP World ayaa la sheegay inuusan weli saxiixin madaxweyne Farmaajo, iyadoo xeerka uu ka dalbanayo Ra’iisal wasaaraha xukuumadda inay go’aankaasi gaarsiiyo dowladda Imaaraadka.

Wasaaradda Arrimaha dibadda ee Soomaaliya ayaa shaacisay arrimihii ay kala hadashay safiirka dalka Imaaraadka carabta oo shalay looga yeeray xarunta wasaaradaasi ee magaalada Muqdisho.

Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga C/qaadir Axmed-Kheyr Cabdi ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Isutagga Imaaraatka Carabta ee Soomaaliya Mohammed Ahmed Othman Al Hammadi, waxyna ka wadahadleen dhowr arrimood oo ay ka mid yihiin heshiiska sharci darada ah ee dhexmaray Maamulka Somaliland iyo Shirkadda DP World ee la xiriira dekedda Soomaaliyeed ee Berbera iyo arrimaha sharci ee ka dhalan kara ku xadgudubkeeda madax banaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya.

Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ayaa sheegay in Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay barnaamijyada horumarineed u qeybinayso dhammaan gobollada Soomaaliya iyadoo aan midna laga reebin, ayna aqbali doonin in wax loo dhimo madax-bannaanideeda iyo tiirarkeeda qaran, ayna ogolaan doonin heshiis kasta oo lala baalmaro.
Dhankiisa, Safiirka Imaaraatka ee Soomaaliya ayaa carabka ku adkeeyay in dalkiisa ay si buuxda uga go’an tahay ilaalinta, xushmeynta iyo taageeridda madax banaanida Soomaaliya, midnimadiisa iyo bedqabka dhulkiisa, isagoo sheegay laga maarmaanshaha sii joogteynta isku duwidda iyo wadatashiga ku qotoma ballaarinta iyo qotodheereynta iskaashiga labada dal, kaas oo hubinaya horumarka xiriirka Soomaali iyo Imaaraat.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment