DAAWO : Ruushka oo Tijaabiyay Gantaal Casri ah oo Xambaari kara Nukhliyeerka

Bulsha:- Dowlada Ruushka ayaa ku guuleesatay tijaabinta gantaal casri ah oo xambaari kara hubka Nukliyeerka, gantaalkan ayaana kamid ah kuwa ugu casrisan ah ee sameesatay dowlada Ruushka

Muuqaal laga baahiyay Warbaahinta ayaa muujinaya gantaalkan casriga ah oo laga ridayo diyaarad nuuca dagaalka ah, waxa ayna Dowlada Ruushka sheegtay in tijaabadan noqotay mid guuleesatay.

Gantaalkan oo lagu magacaabo Kinxhal ayaa ah nuucii ugu dambeeyay uu Ruushku soo saaro, waxaana gantaalkan uu xambaari kara hubka Nukliyeerka , waxa uuna Xawaarihiisa ka badan yahay kuwa jamaqda isaga oo gaari kara masaafo dhan illaa 2,000 km.

Madaxweynaha Rushka ayaa khudbad uu dhawaan jeediyay ku shaaciyay in ay sameesteen gantaalo casri ah oo xambaari kara hubka Nukliyeerka, waxa uuna u shiday dadkii daawanayay Muuqaalka Gantaalo ku hoobanaya gobolka Florida ee dalka Mareykanka.

HALKAN GUJI OO KA DAAWO









Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment