Dhageyso: Madaxweyne Farmaajo oo ka hadlay dhiibista Qalbi Dhagax.

Bulsha:- Madaxweynaha Soomaaliya mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa markii ugu horreysay ka hadlay Kiiska Cabdikariin Sheekh Muuse Qalbi Dhagax oo ay dowladda Soomaaliya u dhiibtay dowladda Itoobiya.

Madaxweynaha oo la weydiiyay Su’aal ku aadan sababta lagu dhiibay Qalbi dhagax ayaa waxaa uu ku gaabsaday go’aankii ay ka gaareen arintaasi Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya.

Waxaa uu sheegay in arinta Qalbi dhagax Hay’adda Sharci dejinta ee dalka ugu sarreysa in ay ka gaartay Go’aan, islamarkaana go’aankaasi uu yahay midka ugu dambeeya.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ku gaabisay in Kiiska Qalbi dhagax uu soo dhamaaday, islamarkaana ay tahay mid ay u codeeyeen Xildhibaanada Golaha Shacabka.

Dowladda Soomaaliya ayaa sanadkii lasoo dhaafay jahwareer badan kala kulantay dhiibiistii Cabdikariin Sheekh Muuse Qalbi dhagax oo ka mid ahaa Saraakiisha ugu sareysa Jamhadda ONLF ee kasoo horjeedda dowladda Itoobiya.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment