SAWIRRO: Dadka reer Gaalkacyo oo Madaxweyne Farmaajo hadiyad uga dhigay Geel huwan astaanta Calanka Qaranka.

Bulsha:-  Madaxweynaha Somaliya Maxamed C/llaahi Maxamed Farmaajo iyo wafdigii uu hogaaminayay ayaa si weyn loogu soo dhaweeyay Waqooyiga Magaalada Gaakacyo ee Xarunta Gobolka Mudug.

Madaxweyne Farmaajo ayaa Gaalkacyo maanta ku tagay Safar dhinaca Cirka ah, Waxaana Boosaaso ka qaaday diyaarad gaar ah taasoo ka dajisay Garoonka Magaalada Gaalkacyo ee Puntland maamusho.

Boqolaal kamid ah Shacabka Gobolka Mudug ayaa Madaxweynaha ku soo dhaweeyay Magaalada, waxeyna wateen dhar ka sameysan Calanka Somaliya iyo boorar ay ku sawiranyihiin Madaxweyne Farmaajo oo mudooyinkan safaro ku jiray.

Madaxweynaha ayaa wali ku jira soo dhaweyn heer sare oo aan kala dhicin tan iyo markii uu ka dagay Garoowe AXadii hore, Isagoo soo maray Magaalooyinka Qardho iyo Boosaaso.

Madaxweynaha ayey Shacabka Gaalkacyo hadiyad ahaan usiiyeen Geel lagu calaamadeeyay Calanka Qaranka oo ay ku matalayeen Hashii Maandeeq,Iyagoo Muujiyay ineysan ka liidan Magaalooyinkii kale ee Madaxweynaha hadiyad ahaanta usiiyay waxyaabo Faras uu kamid ahaa.
Amniga guud ee Magaalada Gaalkacyo ayaa aad loo adkeeyay Caawa, waxaana maanta marka uu ka soo dagay magaalada hawada marayay dhowr diyaaradood oo qeyb ka ahaa Sugida amniga Madaxweyne Farmaajo.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment