Norway oo diiday inay Hubka ka iibiso dowlada Imaaraadka Carabta (Daawo)

Bulsha:- Wasaarada Arrimaha Dibada ee dalka Norway ayaa daaha ka rogtay in hakat la galiyay Hub la sheegay in laga iibin lahaa dowlada Isutaga Imaaraadka Carabta.


Qoraal kasoo baxay Wasaarada Arrimaha Dibada Norway, ayaa waxaa lagu sheegay in amarka lagu hakinaayo iibinta Hubka uu kasoo baxay qasriga looga arimiyo Norway.

Qoraalka Wasaarada ayaa waxaa lagu cadeeyay in sababta ugu weyn ee loo hakinaayo beecinta Hubka ay tahay in dowlada Imaaraadka Carabta ay dooneyso in Hubkaasi culus ay u isticmaasho gumaadka ka socda dalka Yemen.

Waxa ay Wasaaradu si rasmi ah u xaqiijisay in gebi ahaan hubkii ay ka iibin jirtay dowlada Imaaraatiga la joojiyay, waxaana la xaqiijiyay in dalka Yemen laga helay Gantaalo ay ka carareen xulafada Sacuudiga oo laga soo iibiyay Norway.

Sidoo kale, dowlada Imaaraatiga oo kamid ah xulafada Sacuudiga ee ka qeyb qaadanaya dagaalka ka socda wadanka Yemen ayaan weli ka hadlin go’aankan kasoo baxay Norway oo kamid ah dalalka Yurub oo ay Imaaraatiga hubka kasoo gadan jireen.
Dhinaca kale, go’aankaan kasoo baxay dowlada Norway ayaa yimid kadib markii qoraal kasoo baxay Hay’adaha iyo dadka u dooda Xaquuqul Insaanka ay cadeymo u keeneen in Hubka ay Norway ka iibiso Imaaraadka loo isticmaalo xasuuqa ba’an ee ka socda Yemen.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment