Maxaa kala socotaa lacagihii waalida aheyd oo ay kursiga Xildhibaanimo u adeegsadeen Sanbaloolshe iyo Iidow?

Bulsha:-     Nuur Iidow Beyle ayaa ku guuleystay doorashada kursiga Xildhibaano Golaha Shacabka ee Beesha Cali Madaxweyne, kaddib markii wareegii labaad uu helay 27 cod, halka C/llaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe uu helay 24.

Tirinta cododka wareega labaad ayaa la soo gabagabeeyay, iyadoo natiijada horudhaca ah ay muujineyso in Nuur Iidow Beyle ku guuleystay kursiga Xildhibaannimo ee Beesha Cali Madaxweyne/Xawaadle.

Waxaa tartanka Wajigiisa Koowaad ku haray Musharixiinta

1:-Xuseen Axmed Geelle

2:- Dahabo Xasan Axmed

3:-Dahir Cabdulle Cawaale

4:-Cali Cabdullaahi Cosoble

Haddaba Caasimadda Online ayaa  xog faahfaahsan ka heshay lacagihii waalida aheyd oo ay Sanbaloolshe iyo Iidow u isticmaaleyn doorashada sidii uu midba midka kale guusha uga heli lahaa.

Sida ay xogta hoose sheegeyso Iidow ayaa waxaa gadaal ka riixayey Madaxtooyada Villa Somalia, wuxuuna ahaa ninka ugu badan ee bixiyey lacaga la siiyey ergada 51 qof ee doorashada sameenayey.
1)  Iidow ayaa ergada siinayey midkiiba lacag gaareyso ilaa 10.000 (Toban Kun oo Dollar), waxaana la qiyaasayaa inuu 35 ergo siiyey lacagta sare ku qoran

2) Sanbaloolshe ayaa isna ergada siinayey min 5,000 (Shan Kun oo Dollar), wuxuuna lacag siiyey ilaa 30 kamid ah ergadii wax dooraneysay.

Iidow ayaana awoodda sare helay, wuxuna 2 cod ka saramaray Sanbaloolshe, iyadoo arrintaas loo aaneenayey lacagta badan ee uu bixiyey.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment