Heshiiska ay Arsenal kula wareegtay Pierre-Emerick Aubameyang ayaa wuxuu ku kacay 63.75 milyan oo euros, agaasimaha ciyaaraha kooxda BVB ayaana bayaan ay kooxdiisu soo saartay ku xaqiijiyey inuu Aubameyang ku biiray Gunners.
Kooxda Jarmalka ka dhisan ayaa u mahadcelisay Pierre-Emerick Aubameyang kaasoo ay sheegeen inuu shaqo wanaagsan u qabtay una dhaliyey goolal muhiim ah, wuxuuna ka mid ahaa kooxdii Dortmund ee hanatay DFB Cup sannadkii 2017kii.
Dhanka kale, Arsenal ayaa iyana xaqiijisay inay lasoo wareegtay Pierre-Emerick Aubameyang heshiis rikoor ah, iyadoo sheegtay inay ka saxiixatay qandaraas muddo dheer ah, waxaana intaas lagu daray in dhowaan la xaqiijin doono lambarka uu kooxda u xiran doono.
Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:
Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Blogger Comment
Facebook Comment