Bilan State waa magaca xaafadda ay ganacsatu doonayaan in ay ka dhisaan magaalada Kismaayo, ayadoo xaafaddan loo dhisi doono hab casri ah islamarkaana ay u dhameystirnaan doonaan dhammaan adeegyada muhiimka ah ee bulshada, sida ay warbaahinta u sheegeen ganacsatada gacanta ku heysa howsha.
Ganacsata shirkadda Kisma Limited oo uu kamid yahay Sheikh Maxamed Cabdi Umal ayaa qorsheynaya in xaafaddan cusub ay kusoo biiriyaan magaalada Kismaayo, ayagoo soo bandhigay naqshadda ay noqon doonto xaafadda, waxaana xaafaddan cusub laga hirgelin doonaa nawaaxiga Xeebta Kibooro ee magaalada Kismaayo.

Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:
Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Blogger Comment
Facebook Comment