Daawo: Maxaa dhexmaray Gudoomiye Yariisow iyo Taabit oo uu Booqday ?

Bulsha:- Kulankan ayaa ahaa mid lagu soo afjarayay xiisada, isla markaana labada dhinac ay uga xaajoon lahaayeen ka bixida xilliga kala guurka ee uu galay Gobolka Banaadir.

Guddoomiyaha cusub iyo Guddoomiyaha xilka laga qaaday ayaa isu mar xabeeyay, waxayna isku afgarteen in munaasabadda xil wareejinta ay u dhacdo si habsami leh. Waxaa kaloo la isla gartay in Taabid Cabdi Maxamed uu dib ugu laabto xarunta Gobolka Banaadir, si uu u diyaariyo xil wareejinta, iyadoo lagu wado inuu magacaabo Guddi Xil wareejin oo dhankiisa ka socda.



Sidoo kale Guddoomiyaha cusub Eng. Yariisow ayaa isna soo magacaabaya Guddi xil wareejin oo diyaariya xaflada xil wareejinta iyo habsami u socodka howlaha xilliga kala guurka.

Xubnaha kulanka ka qeyb galay ayaa waxaa ka mid ahaa Wasiirka Amniga Maxamed Abuukar Islow, Wasiirka Boostada Eng. Canshuur, Wasiir kuxigeenka Dekedaha Cusmaan daalo, Xildhibaan Mustaf Dhuxulow iyo Taliyeyaasha ciidamada qalabka sida.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment