Daawo:- Janaaso siyaasadeed oo maanta lagu dukaday magaalada Muqdisho!!

Bulsha:- Siyaasiyiinta dowladda Soomaaliya mucaaradka ku ah oo ay hor ka cayaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur iyo Axmed Macalin Fiqi ayaa Maanta magaalada Muqdisho ku dukaday Janaaso Siyaasadeed.

Siyaasiyiintaan ayaa sheegay inay Janaaso u dukanayaan askartii ku geeriyootay howlgalkii ay Ciidamada dowladda ku fuliyeen Guriga Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Fikir ahaanteeda Janaasadaan ayaa iila muuqato inay tahay mid siyaasadeed oo aysan ujeed kale ka dambeyn.

Haddii ay Shaki kaaga jirto inay janaasadaan tahay mid siyaasadeed Fadlan is waydii sababta aysan siyaasiyiintaan Janaaso ugu dukan:

Dadkii Boqollaalka qof ahaa ee ku dhintay Qaraxii Musiibada ahaa ka dhacay Isgoyska Soobe ee Magaalada Muqdisho 14 October ee sanadkii hore.

Dadkii ku dhintay weerarkii Bariire oo sida la ogyahay ay ku dhinteen ilaa 10 qof oo shacab ah kuwaas oo intooda badan ay Siyaasiyiintaan isku beel ahaayeen.

Haddaba waxaa kuusoo baxeyso markii aad fiiriso inaysan siyaasiyiintana wax janaaso ah u dukan dhammaan dadkaas inay midaan tahay mid laga leeyahay dano siyaasadeed.
Waxaa wax laga xumaado ah inay Siyaasiyiitaan Maanta siyaasada kasoo gashay Janaaso, iyagoo mar kasta raadinayo meesha ay dowladda Soomaaliya ka mucaaradi karaan.
  

W/Q: Cabdirisaaq Ahmed Muxiyadiin









Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment