DAAWO: Fadeexada ka dhalatay cod sir ah oo laga qabtay Sirdoonka Masar iyo Xiisada QUDUS ee Soo baxday

Bulsha:- Telefishinada dalka Turkiga ayaa bilaabay inay siidaayaan cod sir ah oo laga duubay sarkaal ka tirsan sirdoonka Masar oo warbaahinta Masar ku cadaadinaya inaysan ka hadal xiisada Qudus iyo go’ aankii uu bishii hore gaaray Madaxweynaha Maraykanka Trump oo u aqoonsaday Qudus caasimada Israel.


Warkan ayaa ahaa mid markiisii ugu horeysay ay Sabtidii shaacisay jariirada New York Times ee Maraykanka laga leeyahay, waxaana lagu sheegay codkan in laga duubay sarkaal lagu magacaabo Kabtan Ashraf el-Kholi oo kamid ah sirdoonka Militariga Masar, ninkaasi oo khadka telefoonka ka wacay qaar kamid ah suxufiyiinta iyo daadihiyaasha barnaamijyada ka baxa telefishinada wadankaasi Masar.

Sarkaalkan ayaa isku dayey in barnaamijyada caanka ah ee ka baxa Telefishinada Masar aysan buun buunin waa siduu hadalka u dhigayee go’ aankii Donald Trump ee ku aadanaa magaalada Qudus.
Wuxuuna sarkaalkan sheegay in Masar aysan diyaar u ahayn kacdoon shacab iyo waliba dagaal ka dhan ah Israel, isagoona intaasi raaciyey in Falastiiniyiinta ku khasban yihiin go’aankan inay aqbalaan, wuxuuna sheegay in laga rabo Falastiiniyiinta inay ku qancaan magaalada ay hada xukumaan ee Ramallah.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment