Trump oo diiwaanka madow ku daray madaxweynihii hore ee Gambia,Yahya Jammeh

Bulsha:- Mareykanka ayaa cunna qabateyn saaray madaxweynihii hore ee Gambia, Yahya Jammeh, oo lagu eedeeyay "in uu xaday ugu yaraan $50 milyan oo dollar" oo ka mid ahaa dakhliga dowladda, ka hor inta uusan dalka ka bixin bishii January ee horraantii sannadkan.

Jammeh ayaa xilka looga qaaday cadaaadis kaga yimi dalalka Galbeedka Afrika ka dib markii looga adkaaday doorashada. Madaxweynihii hore ee Gambia oo markii hore ogolaaday in doorashada looga adkaaday ayaa dib ka diiday in uu xilka wareejiyo.

Wuxuu hadda dibad jog ku yahay dalka Equatorial Guinea, wuxuuna dalka ka baxay ka dib markii ciidammo ka socdal waddamada deriska ah ay galeen Gambia.

Warbixin ay soo saartay wasaaradda maaliyadda ee Mareykanka ayaa lagu sheegay in 22-kii sanno ee xilka uu yahay uu "galay taariikh ku saabsan xadgudubyo daran oo aadanaha ka dhan ah iyo musuqmaasuq".

"Jammeh wuxuu aasaasay ciidammada shirqoolka dilka iyo argagax gelinta oo loo garanayay duur ku jir kuwaas oo isaga toos ugu xirnaa. Jammeh wuxuu kooxdaasi u adeegsaday handadaadda, argagax gelinta, jirdilka iyo dilidda shaqsiyaadka uu Jammeh u arkay in ay halis ku yihiin", ayaa lagu yiri qoraalka.

"Muddadii uu xilka hayay, Jammeh wuxuu adeegsaday mashaariic musuqmaasuq si uu u xado ama u uruursado hantida dalka Gambia. shaqsi ahaanna uga faa'ido. Baaritaan ayaa socdo oo lagu soo bandhigi doono xatooyada ballaaran ee Jammeh uu ku sameeyay dalka markii uu xilka ka tagayay," ayaa lagu yiri warbixinta ka soo baxday wasaaradda maaliyadda ee Mareykanka.

Yahya Jammeh wuxuu ku jiraa dadka caanka ah ee magacoodu ku qoran yahay diiwaanka madow ee uu soo saaray madaxweyne Trump.

Sidoo kale, waxaa diiwaankaasi ka mid ah ganacsato ajnabi ah xiriir la leh qaar ka mid ah madaxda qaaradda Afrika, sida kuwo ku xiran madaxweynaha DR Congo, Joseph Kabila iyo kaaliyaha madaxweynaha South Sudan, Salva Kiir.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment