Taliska Mareykanka Africom oo dalbaday in baaritaan cusub lagu sameeyo weerarkii Barriire

Bulsha:- Taliska ciidamada ee Africa,ayaa codsaday in baaritaan dheeri ah lagu sameeyo weerarkii bishii August ka dhacay deegaanka Barriire hadii ay jiraan dad rayid ah oo lagu dilay.

Weerarka deegaanka Barriire lagu qaaday ayaa si wada jir ah waxaa u fuliyay ciidamo Mareynkanka oo ku sugan Soomaaliyo iyo ciidamo ka tirsan xoogga dalka Soomaaliya.

Col. Marka Cheadle,oo ah Afhayeenka ciidamada Mareynkanka ee Africa,ayaa shalay oo Arbaca ahayd sheegay in Gen. Thomas Waldhauser uu weydiistay adeega Baarista Danbiyada Badda in ay raadiyaan faah faahin dheeri ah oo ku saabsan weerarkii ciidamo Soomaali oo kaashanaya ciidamada fuliya howlgalada gaarka ah ee Mareynkanka ku qaadeen deegaanka Bariirre ee gobolka Sh/hoose.

Go’aankaan ayaa ku soo aadaya,xilli labo todobaad ka dib,war ay ciidamada Mareynkanka ee Africa ay soo saareen ay ku beeniyeen in weerarkii Barriire lagu qaaday lagu dilay dad rayid ah oo ay ku jiraan Carruur.

Cheadle,ayaa sheegay in Waldhauser uu codsaday arintaan markii uu arkay in dadka deegaanka Barriire ay ku adkeysanayaan in weerarkii 25-August lagu dilay dad shacab ah oo waliba u badan Beeraley.

Weerarkii Bariirre ayaa lagu dilay 10-Qof oo u badan shacab ka dib weerar ay si wada jir ah u fuliyeen ciidamada Mareynkanka ee Soomaaliya ku sugan iyo ciidamada dowladda Soomaaliya.
Maamulka madaxweyne Trump ayaa horaantii sanadkaan shaaciyay iney kordhinayaan weerarada Malitari ee ka dhan ah Al-Shabaabka Soomaaliya,waxaana weerar dhowr oo dhanka ah cirka oo Mareynkanka ka fuliyay gudaha Soomaaliya lagu dilay saraakiil muhiim u ahaa kooxda argagixisada Al-shabaab.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment